Midowga Afrika oo war ka soo saartay qabashada Bariire iyo xubnaha laga dilay Al-shabaab

Warsaxaadadeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay howlgalkii lagu qabtay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Muddo todobaad uu ka socday dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada huwanta iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hawlgalka oo socday dhowr maalmood ayaa ku wajahnaa weerar dhulka ah oo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu sheegay qoraalka in lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan kooxda, iyadoo tiro kale dhaawacyo culus soo gaareen.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa ammaanay geesinimada ciidamada labada dhinac, isagoo sheegay in guushan ay tahay “marxalad cusub oo muhiim ah” oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha AUSSOM, Lt. Gen. Sam Kavuma, ayaa ku tilmaamay hawlgalka Bariire “isbedel muhiim ah” oo gundhig u noqonaya xasilloonida mustaqbalka, halka Taliyaha ciidamada Uganda ee AUSSOM, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, uu sheegay in qabsashada Bariire ay tahay dhirbaaxo culus oo loo geystay Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub fara badan oo ay hore u isticmaali jireen Al-Shabaab si ay u weeraraan dadka rayidka ah iyo xarumaha muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ka hor inta aan la qabsan, Bariire waxay ahayd xarun istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen weerarrada ka dhanka ah gobolka iyo caasimadda Muqdisho.

Ciidamada AUSSOM iyo kuwa dowladda ayaa hadda sugaya ammaanka degmada Bariire, iyagoo baaritaanno ka wada deegaannada ku xeeran si loo tirtiro unugyada haray ee Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles