Zelenesky oo ka falceliyay kulanka Trump iyo Putin

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan wax heshiis dhul ah u sameyn doonin Ruushka ka hor kulanka la qorsheeyay ee u dhaxeeya Donald Trump iyo Vladimir Putin ee ku saabsan mustaqbalka dagaalka Ukraine.

Kulanka Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Alaska 15ka Agoosto. Saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin kulanka, Trump waxa uu ka dhawaajiyay in laga yaabo in Ukraine ay ku qasban tahay inay bixiso dhul si loo soo afjaro dagaalka, kaasoo ka billowday duullaanka ballaaran ee Ruushka ku qaaday Febraayo 2022.

Zelensky ayaa qoraal uu soo dhigay Telegram ku sheegay Sabtidii in “Reer Ukraine aysan siin doonin dhulkooda kuwa qabsaday”.

Waxa uu ku celceliyay in Ukraine ay waajib ku tahay in ay ka qayb qaadato xal kasta oo nabada,waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo asxaabta si loo helo nabad “dhab ah” iyo “waarta”.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles