Taliye Sahal oo sheegay in Al-shabaab ay godad ka qoteen guryaha dadka shacabka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tagay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo kooxda ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen ciidamada xoogga iyo kuwa ciidanka Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay godad ka qoteen guryo ay deganayaan dadka shacabka ee ku yaala deegaanka Bariire.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles