Monday, July 13, 2026

Banaanbax looga soo horjeeda qorshaha Netanyahu ee Gaza oo ka socda Tel Aviv

Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tel Aviv, fiidnimadii Sabtida iyaga oo ka mudaharaadaya qorshaha ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee sii waditaanka dagaalka Qaza ee muddada labada sano ah socday, iyaga oo dalbanaya in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo dhammeeyo dagaalka, loona sii daayo lahaystayaasha.

Mudaharadaayaasha ayaa sitay calaamado iyo sawiro lahaytayaasha Israa’iil ee Qaza, waxaana ay dowladda ka dalbadeen sidii ay uga howlgali lahayd sii dayntooda.

Sida ay tabisay wakaalada wararka AFP, tirada ka qayb galayaasha ayaa lagu qiyaasay tobanaan kun, halka golaha qoysaska lahaytayaasha ay sheegeen ilaa 100,000 oo qof ay ka qayb qaateen mudaharaadka.

Shahar Mor-Zehero oo ehel la ah mid kamid ah lahaytayaasha la dilay ayaa wakaalada oo soo xiganaysa ay tiri ”Waxaynu ku soo gabagabaynaynaa farriin toos ah oo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ku socoto: haddii aad isku daydo inay qabsato qayb kamid ah Qaza oo la haytayaashana la dilo, weynu kugu soo raadsanaynaa magaalada, inta lagu jiro ololayaasha doorashada iyo dhammaan wakhti kasta iyo goob walba.

WARARKII KALE

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo...

Kulamo Siyaasadeed oo Ka socda Muqdisho Kahor Wadahadalka DF iyo Mucaaradka ee 20-ka July

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wareegga labaad...

DF oo sheegtay in la dilay horjooge halis ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo duqeyn lagu beegsaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles