Banaanbax looga soo horjeeda qorshaha Netanyahu ee Gaza oo ka socda Tel Aviv

Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tel Aviv, fiidnimadii Sabtida iyaga oo ka mudaharaadaya qorshaha ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ee sii waditaanka dagaalka Qaza ee muddada labada sano ah socday, iyaga oo dalbanaya in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo dhammeeyo dagaalka, loona sii daayo lahaystayaasha.

Mudaharadaayaasha ayaa sitay calaamado iyo sawiro lahaytayaasha Israa’iil ee Qaza, waxaana ay dowladda ka dalbadeen sidii ay uga howlgali lahayd sii dayntooda.

Sida ay tabisay wakaalada wararka AFP, tirada ka qayb galayaasha ayaa lagu qiyaasay tobanaan kun, halka golaha qoysaska lahaytayaasha ay sheegeen ilaa 100,000 oo qof ay ka qayb qaateen mudaharaadka.

Shahar Mor-Zehero oo ehel la ah mid kamid ah lahaytayaasha la dilay ayaa wakaalada oo soo xiganaysa ay tiri ”Waxaynu ku soo gabagabaynaynaa farriin toos ah oo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ku socoto: haddii aad isku daydo inay qabsato qayb kamid ah Qaza oo la haytayaashana la dilo, weynu kugu soo raadsanaynaa magaalada, inta lagu jiro ololayaasha doorashada iyo dhammaan wakhti kasta iyo goob walba.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles