Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad kasta dunida laga xuso, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo hadal ka jeediyay munaasibadda, ayaa dul istaagay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaliyeed u leeyihiin Dowlad-dhiska, isaga oo ku bogaadiyay kaalintooda nafhurnimo ee adkeynta midnimada dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xukuumada DanQaran ay qorshayaal ka leedahay horumarinta dhallinta Soomaliyeed, taasi oo ay kamid tahay in masiirkooda siyaasadeed iyagu jaan-gooyaan, taasina ay tahay sababta loo dardargalinayo Doorashooyina tooska ah ee Wadanka laga hirgelinayo.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro Ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir, Ururrada Dhallinyarada, iyo Marti Sharaf Kale.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles