Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad kasta dunida laga xuso, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo hadal ka jeediyay munaasibadda, ayaa dul istaagay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaliyeed u leeyihiin Dowlad-dhiska, isaga oo ku bogaadiyay kaalintooda nafhurnimo ee adkeynta midnimada dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xukuumada DanQaran ay qorshayaal ka leedahay horumarinta dhallinta Soomaliyeed, taasi oo ay kamid tahay in masiirkooda siyaasadeed iyagu jaan-gooyaan, taasina ay tahay sababta loo dardargalinayo Doorashooyina tooska ah ee Wadanka laga hirgelinayo.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro Ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir, Ururrada Dhallinyarada, iyo Marti Sharaf Kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles