Sunday, April 26, 2026

Soomaaliland oo mamnuucday in la soo dejiso gaadiidka aan xabada karin

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa ku dhawaaqday amar mamnuucaya in la soo dejiyo baabuurta aanay xabadu karin iyo gawaarida dusha banaan ee loo yaqaan Qabaalka, iyadoo tallaabadani lagu sheegay mid lagu ilaalinayo nabadgelyada guud ee dalka laguna yareynayo khataraha amni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo maanta aan la oggolaan doonin soo dejinta baabuur noocyadan ah, isla markaana aysan cidna soo gelin karin gudaha Somaliland oggolaansho la’aan, ilaa amar dambe laga bixiyo.

Wasaaraddu waxay farriin adag u dirtay dhammaan hay’adaha amniga, kastamyada, iyo masuuliyiinta la xiriirta soo dejinta gaadiidka, iyadoo ku amartay in ay si buuxda u fuliyaan go’aankaasi ayna ka fogaadaan wax kasta oo khilaafsan.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada qaranka iyo ka hortagga falal-dambiyeedka, iyadoo la faray ciidamada iyo hay’adaha kale ee amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo jebisa amarkan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles