Sunday, April 26, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo markale kulan ku yeelanaya Muqdisho

Hubanti la’aan ayaa soo wajahay kulan maanta la filayay inuu xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex maro Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Madasha Mucaaradka ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan oo ka daba socda shirkii Axadii…. Dhacay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku codsaday muddo saddex maalmood ah, waxayna labada dhinac saareen guddi ka kooban min saddex xubnood oo soo diyaariya heshiiska laga gaarayo cutubka 4-aad ee isbedelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah.

Waxaa socday kulamo aan loo kala kicin oo dhex marayay Guddiyada labada dhinac ee Madaxtooyada iyo Mucaaradka, waxaana shirkii ugu dabeeyay oo dhacay xalay La sheegay inaan wax horumar ah lagu gaarin.

Qodobka ugu adag ee doodu ka taagan tahay ayaa ah: Qaabka looga noqonayo isbedelkii lagu sameeyay Cutubka Afraad.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogolaaday inuu tanaasulo, balse waxay guddigiisu soo jeediyeen in qodobadda qaar ee Cutubka ay diyaar u yihiin laga noqdo, sida qaabka doorashada, tirada Xisbiyada, xilka Ra’iisal wasaaraha.
2- Dhinaca Madasha Mucaaradka ayaa ilaa hadda ku adkeysaneysa in guud ahaan laga noqdo isbedelkii lagu sameeyay qodobka 4-aad, wax dood ahna aysan qodob ka mida.

Is-mari waaga labada guddi waxaa barbar socday kulamo ay xubno ka socda Madaxweyne Xasan Sheekh si kala gaara ula yeesheen Xubnaha Mucaaradka oo qaarkood La sheegay inay debecsan yihiin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulamo gaara u socdaan. Dhinaca Mucaaradka ayaa isla Gartay inaysan gorgortan ka gelin qodobadda Cutubka afrad, balse waxaa soo baxaya inuu jiro shaki soo kala dhex galay madaxda Mucaaradka oo laga cabsi qabo inay arrintan ku kala jabaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay heshiis qabyo ah la gasho Mucaaradka ama ay taageero ka hesho xubno muhiim ah oo ak mida mucaaradka..

Kulanka maanta ayaa noqon doonta mid si weyn isha loogu hayo, markii ay heshiis gaari waayeen guddiyadii labada dhinac; Waxaana la filayaa in waqti kale oo dheeraad ah la isla ogolaan doono ama in lagu kala tegi doono oo lagu dhawaaqi doono inuu fashilmay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles