Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday Deegaanka Tardo ee Hiiraan

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyey deegaanka istiraatiijiga ah ee Tardo, oo ku yaalla bariga gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan hoggaanka ciidanka Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in duqeyn gaar ah lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa in la beegsaday waxa ay Al-shabaab ugu yeeraan Waaliga ee Gobolka Hiiraan lagu dilay duqeynta.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan, mana jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada iyo magacyada dadka lagu beegsaday.

Deegaanka Tardo ayaa dhowaan waxaa la wareegay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay halkaasi ka baxeen ciidanka Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Wararkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobolka Hiiraan uu weli ka socdo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles