Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday heshiisyo oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait ayaa kula kula kulmay Caasimadda Kuwait, dhiggiisa, Wasiirka arrimaha Dibadda Dowladda Kuwait mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxaa labada wasiir ay ka wada hadleen xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, waxa ayna ay isla qaadaa-dhigeen siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyaga oo is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami.

Kulanka kadib, waxaa la kala saxiixday dhowr heshiis iyo is-afgarad, taasi oo caddayn u ah sida ay labada dal uga go’an tahay qoto-dheereynta iskaashiga.

Is-afgaradyada la saxiixay waxaa ka mid ah, unkidda guddi wadaag ah oo dardargeliya iskaashiga labo dhinaclaha, heshiis ku saabsan wadatashiyada labo geesoodka iyo is-afgarad iskaashi oo u dhexeeya Machadka Diblomaasiyadda Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Dowladda Kuweyt iyo Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles