Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday heshiisyo oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait ayaa kula kula kulmay Caasimadda Kuwait, dhiggiisa, Wasiirka arrimaha Dibadda Dowladda Kuwait mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxaa labada wasiir ay ka wada hadleen xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, waxa ayna ay isla qaadaa-dhigeen siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyaga oo is-dhaafsaday aragtiyo ku aaddan xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami.

Kulanka kadib, waxaa la kala saxiixday dhowr heshiis iyo is-afgarad, taasi oo caddayn u ah sida ay labada dal uga go’an tahay qoto-dheereynta iskaashiga.

Is-afgaradyada la saxiixay waxaa ka mid ah, unkidda guddi wadaag ah oo dardargeliya iskaashiga labo dhinaclaha, heshiis ku saabsan wadatashiyada labo geesoodka iyo is-afgarad iskaashi oo u dhexeeya Machadka Diblomaasiyadda Saud Al-Nasser Al-Sabah ee Dowladda Kuweyt iyo Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles