Madaxweyne Zelensky oo diiday in uu xabad-joojin ku badesho gobolka Donbas

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dalkiisu uu diidi doono soo jeedin kaga timaada Ruushka oo ku saabsan in Ukraine ay ka tanaasusho gobolka Donbas si loogu beddelo xabbad-joojin. Wuxuu uga digay in tani ay noqon karto tallaabo hordhac u ah weerarro kale oo mustaqbalka ah.

Zelensky wuxuu hadalkan ka jeediyay ka hor kulan la filayo inuu Jimcaha ka dhaco Alaska, oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Trump ayaa sheegay in heshiis nabadeed oo kasta uu ku jiri karo “isku beddelasho dhulal ah”, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah dalabyada Putin uu yahay in Kyiv ay ka tanaasusho gobolka Donbas oo ay weli gacanta ku hayaan Ruushka.

Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa sii wadaya weerarradooda , iyaga oo si lama filaan ah ugu sii siqay magaalada bariga ku taalla ee Dobropillia.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay horumar ka sameynayaan weerarrada oo gudaha ay u sii galayaan goobaha qaar.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles