Saturday, August 8, 2026

Madaxweyne Zelensky oo diiday in uu xabad-joojin ku badesho gobolka Donbas

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dalkiisu uu diidi doono soo jeedin kaga timaada Ruushka oo ku saabsan in Ukraine ay ka tanaasusho gobolka Donbas si loogu beddelo xabbad-joojin. Wuxuu uga digay in tani ay noqon karto tallaabo hordhac u ah weerarro kale oo mustaqbalka ah.

Zelensky wuxuu hadalkan ka jeediyay ka hor kulan la filayo inuu Jimcaha ka dhaco Alaska, oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Trump ayaa sheegay in heshiis nabadeed oo kasta uu ku jiri karo “isku beddelasho dhulal ah”, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah dalabyada Putin uu yahay in Kyiv ay ka tanaasusho gobolka Donbas oo ay weli gacanta ku hayaan Ruushka.

Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa sii wadaya weerarradooda , iyaga oo si lama filaan ah ugu sii siqay magaalada bariga ku taalla ee Dobropillia.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay horumar ka sameynayaan weerarrada oo gudaha ay u sii galayaan goobaha qaar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles