Soomaaliland oo mamnuucday in la soo dejiso gaadiidka aan xabada karin

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa ku dhawaaqday amar mamnuucaya in la soo dejiyo baabuurta aanay xabadu karin iyo gawaarida dusha banaan ee loo yaqaan Qabaalka, iyadoo tallaabadani lagu sheegay mid lagu ilaalinayo nabadgelyada guud ee dalka laguna yareynayo khataraha amni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo maanta aan la oggolaan doonin soo dejinta baabuur noocyadan ah, isla markaana aysan cidna soo gelin karin gudaha Somaliland oggolaansho la’aan, ilaa amar dambe laga bixiyo.

Wasaaraddu waxay farriin adag u dirtay dhammaan hay’adaha amniga, kastamyada, iyo masuuliyiinta la xiriirta soo dejinta gaadiidka, iyadoo ku amartay in ay si buuxda u fuliyaan go’aankaasi ayna ka fogaadaan wax kasta oo khilaafsan.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada qaranka iyo ka hortagga falal-dambiyeedka, iyadoo la faray ciidamada iyo hay’adaha kale ee amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo jebisa amarkan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles