Wednesday, June 24, 2026

Sheekh Shariif “Waa in Madaxweynuhu si deg deg ah u joojiyo dagaalka xaq- darrada ah”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka maanta ay ciidanka DFS ay ku qaadeen xerada Horseed ee ku taala degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee Degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado dad danyar ah ay ku nool yihiin.” Ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay inaan la aqbali Karin in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu weerar ku qaado dadka shacabka, islamarkaana uu adeegsado ciidanka dowladda.

“Waa ayaan darro iyo wax aan sinnaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan oo dalka u dhaaratay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka uu iyagii kusoo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii Xoogga. Ciidamada Soomaaliyeed waxaa loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda ee looma dhisin, in loo adeegsado dhulboob, caburrin bulsho iyo danno siyaasadeed oo gaar ah.”.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa intaasi ku daray “ Waa in Madaxweynuhu si deg deg ah u joojiyo dagaalkaas xaq- darrada ah ee aysan ku jirin wax dalka iyo dadka toonna maslaxad u ah  Waxaan sidoo kale uga digayaa saraakiisha ciidamada noocyadooda kala duwan inay aqbalaan amarro khaldan oo baal marsan shuruucda ciidanka ayna ku koobnaadaan waajibkii ay u dhaarteen.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles