Wednesday, June 24, 2026

Kheyre oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay in ciidanka DF uu adeegsanayo laynta Shacabka

War qoraal ah oo ka soo baxay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa uu si adag ugu cambaareeyay weerar maanta ciidanka dowladda ku qaadeen garoonka Horseed ee degmada Hodan, halkaas oo ciidanka dowladda doonayeen in ay shacabka ka saaraan guryahooda.

”Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka ay maanta dowladdu ku qaadday qoysaska danyarta ah ee ku nool garoonka ay Kooxda Horseed ee Ciidamada Qalabka-sida ku lahayd degmada Hodan. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una boogadhayo intii ku dhaawacantay” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale kheyre ayaa intaasi ku daray qoraalkiisa ”Waxaa ayaandarro ah in Ciidankii Qaranka ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaalayo laynta shacabka iyo barakicinta danyarta. Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu degdeg u joojiyo boobka dhulka dantaguud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadweynaha danyarta ah” ayuu yiri Kheyre.

Weerarka ciidanka dowladda saakay ku qaadeen garoonka Horseed, ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dagaalamayay iyo dad shacab ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles