Sheekh Shariif “Waa in Madaxweynuhu si deg deg ah u joojiyo dagaalka xaq- darrada ah”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka maanta ay ciidanka DFS ay ku qaadeen xerada Horseed ee ku taala degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee Degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado dad danyar ah ay ku nool yihiin.” Ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay inaan la aqbali Karin in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu weerar ku qaado dadka shacabka, islamarkaana uu adeegsado ciidanka dowladda.

“Waa ayaan darro iyo wax aan sinnaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan oo dalka u dhaaratay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka uu iyagii kusoo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii Xoogga. Ciidamada Soomaaliyeed waxaa loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda ee looma dhisin, in loo adeegsado dhulboob, caburrin bulsho iyo danno siyaasadeed oo gaar ah.”.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa intaasi ku daray “ Waa in Madaxweynuhu si deg deg ah u joojiyo dagaalkaas xaq- darrada ah ee aysan ku jirin wax dalka iyo dadka toonna maslaxad u ah  Waxaan sidoo kale uga digayaa saraakiisha ciidamada noocyadooda kala duwan inay aqbalaan amarro khaldan oo baal marsan shuruucda ciidanka ayna ku koobnaadaan waajibkii ay u dhaarteen.”

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles