Wednesday, June 24, 2026

Rooble “Ma aha wax laga aamuso in shacabka iyo maatada hub culus lagu beegsado”

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray dagaalka maanta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Rag hubeysan uu ku dhexmarayo xaafada Horseed ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

BISMILLAHI

Dhacdooyinka ka dhacay Tarabuunka, Degmada Hodan maanta waa musiibo qaran oo aan marnaba la aqbali karin. Ma aha wax laga aamuso in shacabka iyo maatada hub culus lagu beegsado, taas oo ka hor imanaysa bani’aadantinimada, sharciga iyo qiyamka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan u tacsiyadeynayaa intii ku dhimatay, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.

Waxaan si adag u cambaareynayaa falalkan gurracan ee dhiigga shacabka lagu daadinayo. Waa waajib degdeg ah in shacabka ku nool Tarabuunka laga korqaado ciidanka wareerka ku ah.

Kuwa geystay falkaan foosha xun waa in sharciga la hor keenaa si caddaalad loo helo.

lagana hortago in mar kale ay dhacaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles