Dagaallamayaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo baydhabo lagu soo bandhigay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Al Shabasb, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Dhammaan isa soo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay si gaar ah uga tirsanaayeen kooxaha ay Al Shabaab ugu yeeraan Jabhadaha, waxaana ku adkaatay nolosha adag ee cadowga duurka ku heysata iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka.

Ragan lasoo bandhigay ayaa sidoo kale sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada kooxda Al Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna ugu baaqeen saaxiibadood in ay kasoo goostaan kooxda iskuna soo dhiibaan dowladda.

Magaalada Baydhabo, ayaa marar badan lagu soo bandhigay xubno badan oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab, kuwaa la geeyay xarumaha dhaqancelinta ee la geeyo xubnaha Al Shabaab kasoo taga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles