Diiwaan gelinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari oo maanta bilaabanaysa

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay qabashada codsiyada musharraxiinta iyo diiwaangelinta doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Habraaca diiwaangelinta musharraxiinta ayaa socon doona ilaa Jimcaha, 22 Agoosto, halka doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen lagu wado inay qabsoonto Sabtida, 23 Agoosto 2025.

Musharraxiinta ku tartamaya xilka guddoonka Baarlamaanka ayaa soo bandhigi doono barnaamijyadooda siyaasadeed iyo waxqabad, kuwaas oo ay ku doodayaan inay horseedi doonaan isbeddel, hufnaan iyo cadaalad.

Waxaa musharraxiinta ka mid ah:

Xildhibaan Abdiqafar Mohamud Mohamed (Dheeliye)

Xildhibaan Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan

Xildhibaan Cabdisahal Jaamac Maxamed

Doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha sharci-dejinta ee Waqooyi Bari, isla markaana go’aamin doonta jihada siyaasadeed ee maamulka cusub.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles