Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay labo doonyood oo ku qalibmatay xeebaha Jasiiradda Lampedusa.

Tahribayaasha oo ka soo jeeda dalkèena Soomaaliya ayaa ku wajahnaa dalka Talyaaniga, balse cilad qabsatay awgeed ay la qalibmatay doonyihii ay saarnaayeen, kaasi oo sababtay dhimasho iyo tiro dad ah oo wali la la’yahay.

Danjire Ibraahim Cumar Sheegow ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la soo badbaadiyay 15 ruux, halka ay dhinteen 23 qof, waxaana weli socda gurmadka lagu baadi goobayo dadka la la’yahay.

Danjiraha ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan in ubadkooda ay kala dagaalamaan dhibaatada tahriibka, maadaama waqti walba la arko in dhallinyaradu ay ku baaba’ayaan badaha.

“Dhallinyarada waxaa dhankooda looga baahanyahay inaysan naftooda qatar u bareerin, oo ay aaminaan dalkoooda, qarashka uga baxaya tahriiibkana ay ku abuurtaan fursado shaqo ama ganacsi”. Ayuu yiri Danjire Ibraahim Cumar Sheegow.

Danjire Ibraahim Cumar Sheegow Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa hay’addaha amaanka ee dalka ugu baaqay inay sharciga la tiigsadaan burcadda ku shaqada leh tahriibinta sharci darada ah dhallinteenna.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles