dad salaad ku jiray oo lagu laayay dalka Nigeria

Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar burcadnimo ah oo ka dhacay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 qof xilli ay ku jireen tukashada salaadda masaajid halkaa ku yaalla.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi ayaa u sheegay BBC Hausa in weerarku uu dhacay aroornimadii Isniinta, iyadoo 28-ka qof durba la aasay.

“Waxaan ku jirnay salaaddii markii ay rasaas nagu fureen. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay,” ayuu yiri nin magaciisa la qariyay, isaga oo ooyaya isla markaana ilmada iska tiraya.

“Guriga ayey ku garaaceen [aabbaha], qol ayey ku xireen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen.”

Qof kale ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay gubeen dumar iyo carruurta iyaga oo ku jira guryaha “islamarkaana ay afduubteen ku dhawaad 100 qof.”

Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Booliska ee Gobolka Katsina ee waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 15 qof lagu dilay weerarka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles