Wasaaradda Waxbarashada oo maanta shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Qaranka Fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqi doonta natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad. War ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay in galabta si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijooyinka.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay la wadaageysaa bulshada in Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025 markii ugu horreysay lagu soo bandhigi doono meel ka baxsan caasimadda dalka, iyadoo munaasabadda rasmiga ah lagu qaban doono magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle.”ayaa lagu yiri warka wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Kumanaan arday iyo waalidiin Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan ayaa si weyn u sugaya natiijadan, iyadoo bulshada waxbarashada ay ka filayaan in natiijadu noqoto mid cadaalad ah oo la hubiyey.

Imtixaamka ayaa waxaa lagu galay 140 Goobood,waxaana ka qeyb qaataan arday tiradooda gaaraysaa 39 kun oo arday ah.

Wasaarada waxbarashada ayaa maanta laga sugayaa in natiijada kama dambeysta ah ee ardayda gudubtay iyo kuwa ku dhacay imtixaanka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles