Wednesday, March 4, 2026

Wasaaradda Waxbarashada oo maanta shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Qaranka Fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqi doonta natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad. War ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay in galabta si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijooyinka.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay la wadaageysaa bulshada in Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12aad ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025 markii ugu horreysay lagu soo bandhigi doono meel ka baxsan caasimadda dalka, iyadoo munaasabadda rasmiga ah lagu qaban doono magaalada Jowhar, caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabeelle.”ayaa lagu yiri warka wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Kumanaan arday iyo waalidiin Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan ayaa si weyn u sugaya natiijadan, iyadoo bulshada waxbarashada ay ka filayaan in natiijadu noqoto mid cadaalad ah oo la hubiyey.

Imtixaamka ayaa waxaa lagu galay 140 Goobood,waxaana ka qeyb qaataan arday tiradooda gaaraysaa 39 kun oo arday ah.

Wasaarada waxbarashada ayaa maanta laga sugayaa in natiijada kama dambeysta ah ee ardayda gudubtay iyo kuwa ku dhacay imtixaanka.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles