Monday, April 27, 2026

Dayuuradaha Israel oo duqeeyey caasimada Yemen ee Sanca

Militariga Israa’iil ayaa maanta oo Axadd ah ku dhawaaqay in ay beegsadeen goobo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarunta milatariga ee hoyga madaxtooyada, laba xarumood oo koronto, iyo goob kaydka shidaalka ah, sida lagu sheegay bayaan lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa timid kadib markii telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xuutiyiintu uu sheegay in duqeymo ay Israa’iil fulisay maanta ay ku bartilmaameedsadeen caasimadda Sanca. Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymuhu ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada, saldhigyada gantaallada, iyo xarumaha saliidda iyo korontada.

Dadka reer Sanca ayaa sheegay in weerarradu si gaar ah u beegsadeen meelaha u dhow xarunta madaxtooyada, saldhigyada gantaallada, iyo xarumaha shidaalka iyo korontada.

Jimcihii, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay gantaal ballistic ah ku rideen Israa’iil, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee Israa’iil ay sheegeen in gantaalku u muuqday mid xambaarsanaa qalab qarxa oo dhowr qaybood ah oo loo diyaariyay in ay qarxaan marka ay dhulka ku dhacaan.

“Waa markii ugu horreysay oo gantaal noocan laga soo rido Yemen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay werisay Reuters.

WARARKII KALE

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles