Dayuuradaha Israel oo duqeeyey caasimada Yemen ee Sanca

Militariga Israa’iil ayaa maanta oo Axadd ah ku dhawaaqay in ay beegsadeen goobo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarunta milatariga ee hoyga madaxtooyada, laba xarumood oo koronto, iyo goob kaydka shidaalka ah, sida lagu sheegay bayaan lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa timid kadib markii telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xuutiyiintu uu sheegay in duqeymo ay Israa’iil fulisay maanta ay ku bartilmaameedsadeen caasimadda Sanca. Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymuhu ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada, saldhigyada gantaallada, iyo xarumaha saliidda iyo korontada.

Dadka reer Sanca ayaa sheegay in weerarradu si gaar ah u beegsadeen meelaha u dhow xarunta madaxtooyada, saldhigyada gantaallada, iyo xarumaha shidaalka iyo korontada.

Jimcihii, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay gantaal ballistic ah ku rideen Israa’iil, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee Israa’iil ay sheegeen in gantaalku u muuqday mid xambaarsanaa qalab qarxa oo dhowr qaybood ah oo loo diyaariyay in ay qarxaan marka ay dhulka ku dhacaan.

“Waa markii ugu horreysay oo gantaal noocan laga soo rido Yemen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay werisay Reuters.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles