Monday, April 27, 2026

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Dil Toogasho ah ku fulisay Laba Nin oo ka tirsanaa Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo lagu helay dambiyo culus oo la xiriira ka mid noqoshada kooxda Al-shabaab, gaar ahaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca dalka.

Ragga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Anas C/qaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaasoo ka tirsan Al-shabaab, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

Raggan ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen dilalka loo gaystay haldoorada bulshada, oo ay ka mid yihiin Nabadoono, kuwaasoo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Puntland, iyagoo qayb ka ahaa qorshayaasha Al-shabaab ee ka dhanka ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey ugu riday xukunka dilka ee raggan, waxaana maanta lagu fuliyay xukunkaas.

Goobta xukunka toogashada ah lagu fuliyay raggan ayaa waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaasoo si rasmi ah u fuliyay xukunka.

Xukunka dilka ah ee maanta la fuliyay wuxuu kusoo aadayaa, iyadoo dhowr maalmood ka hor sidan oo kale xukuno dil toogasho ah lagu fuliyay maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.

Xukunada dilka ah ee ka dhan ah xubnaha Al-shabaab ayaa noqday mid si dhaqso leh loogu fulinayo maxaabiista xiran ee ka tirsan kooxdaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare...

Somaliland oo qabatay hub culus, kana digtay faragelin shisheeye

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigteen hub...

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay markab calanka Panama

Koox burcad-badeed ah ayaa afduubtay markab nooca xamuulka ah...

Isra’iil oo weerar ka geystay Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymo ay...

Wasiirka Arrimaha Dibada Iran oo la kulmaya Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa booqasho...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles