Warmurtiyeedka oo ay soo saareen DF iyo xubnihii ka baxay Madasha Mucaaradka(Akhriso)

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirar ay madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wadahadalada  iyo qaar kamid ah Xubnaha Mucaaradka oo kala ah Mursal Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hore u soo noqday Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle Wasiir hore, wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya.

Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. In la xoojiyo madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).
  2. In si wadajir ah looga qayb qaato dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka iyo xoreynta goobaha wali ku sugan kooxaha argagixisada.
  3. In Baarlamaanka Federaalka iyo golayaasha dowlad-goboleedyadu ay doortaan Madaxweynaha JFS, halka golayaasha wakiiladuna ay doortaan hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.
  4. In Madaxweynaha JFS uu awood u leeyahay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, ansixintiisana Golaha Shacabka, isla markaana kalsoonida lagala noqon karo.
  5. In urur siyaasadeed uu xisbiga qaran noqon karo marka uu helo ugu yaraan 10% xubnaha Baarlamaanka Federaalka.
  6. In doorashooyinka dalka lagu saleeyo Xeerka Doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgelinayo qodobada cusub.
  7. In si dhakhso ah loo qabto doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.
  8. In si degdeg ah loo dhameystiro cutubyada ka harsan Dastuurka Federaalka, si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
  9. In geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah si wadajir ah uga qayb qaataan mucaarad iyo muxaafad, looguna tartamo golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ee JFS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles