Afar wariye oo ka mid noqday dad ku dhintay duqayn ka dhacday Isbitaal ku yaalla Qasa

Wasaaradda caafimaadka Qasa oo ay maamusho Xamaas ayaa saaka sheegtay in ugu yaraan 20 qof ay dhinteen kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka dhintay ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka, bukaanada iyo suxufiyiin, waxayna intaa ku dartay in adeegyada caafimaad ee isbitaalka uu saameeyay weerarkani.

Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku sheegtay bartaheeda Instagram in mid ka mid ah suxufiyiintooda lagu dilay weerarka. Sidoo kale, waxay sheegtay in ugu yaraan saddex suxufi oo kale ay dhinteen.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in suxufi muuqaal-qaade ah oo u shaqayn jiray si madax-bannaan ay geeriyootay.

Ciidanka difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah la bilaabi doono kadib weerarka, waxaana ay ku andacooday in aysan si gaar ah bartilmaameedsan suxufiyiinta.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles