Tuesday, June 23, 2026

Musharixiinta isbadel doonka iyo Firdhiye oo ku tartamaya doorashada

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay kulan muhiim ah oo ay yeesheen musharrixiinta isbeddel-doonka Woqooyi Bari, kuwaas oo qorsheynaya inay u midoobaan doorashada madaxtooyada ee toddobaadka soo socda ka dhici doonta magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in 8 musharrax oo magaalada ku sugan ay ka wadaan olole siyaasadeed oo xooggan, iyagoo ku loolamaya kursiga madaxtinimada maamulka Woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Siyaasi Axmed Karaash, ayaa lagu tilmaamay mid lagu dhisayo is-afgarad iyo istiraatiijiyad mideysan, si musharrixiinta isbeddel-doonka ay codkooda ugu mideeyaan hal musharrax oo leh fursad adag.

Dhinaca kale, Loolan siyaasadeed oo kulul ayaa ka socda magaalada Laascaanood, iyadoo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaha maamulka Firdhiye, ay si buuxda ugu hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen taageerayaashooda.

Waxaa  maanta magaalada Laascaanood si rasmi ah uga bilaaban doonto diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Woqooyi Bari, halka doorashadu qorshaysan tahay inay dhacdo 30-ka bishan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles