Musharixiinta isbadel doonka iyo Firdhiye oo ku tartamaya doorashada

Xubnihii mucaaradka ahaa ee dhawaan isaga baxay Golaha Samatabixinta oo kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Maxamed Mursal C/raxman, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Geele Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in kulan la yeeshaan wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa filayo in uu noqon doona mid si dhow loogu eegayo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda.

Wakiillada Beesha Caalamka iyo dalalka deriska ah ayaan weli si cad u muujin mowqifkooda ku aaddan heshiiskan cusub, waxaana la saadaalinayaa in kulanka maanta uu go’aamin doono heerka taageero iyo kalsooni ee caalamku siinayo geeddi-socodkan.

Kulankan ayaa imaanaya saacado kaddib markii shalay ay Xubnahaan ay gaareen heshiis siyaasadeed oo rasmi ah oo ay la galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, heshiiskaas oo dib loogu noqonayo hannaankii hore ee doorashooyinka Teendhada lagu maamuli jiray.

Heshiiskan ayaa siyaasadda dalka ee Xiligaan ku soo kordhiyey wajigii ugu cuslaa, iyadoo ay jiraan siyaasiyiin weli ku haray Madasha Mucaaradka oo si cad uga soo horjeeda qodobadii lagu heshiiyey.

Arrintan ayaa kusii sii xoogeysatay kala aragti duwanaanta mucaaradka dhexdiisa, xilli dowladda federaalkuna ku tilmaantay tallaabadan mid ka tarjumaysa midnimo iyo wada shaqeyn siyaasadeed oo gudaha ah.

Xubnaha mucaaradka ee heshiiska qaatay ayaa ku adkaystay in tallaabadan ay muujinayso rabitaankooda ku aaddan in dalka lagu hoggaamiyo nidaam furan oo siyaasadeed, halka mucaaradka kale ee weli diidan ay ku doodayaan in heshiisku yahay marin habaabin dib loogu celinayo habkii la isku hayey ee doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaan ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama uu dib u furay dooddii ku saabsan habka doorashooyinka iyo doorka mucaaradka oo weli dowladda federaalka dhaliil adag u jeedinaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles