Musharixiinta isbadel doonka iyo Firdhiye oo ku tartamaya doorashada

Magaalada Laascaanood ayaa xalay martigelisay kulan muhiim ah oo ay yeesheen musharrixiinta isbeddel-doonka Woqooyi Bari, kuwaas oo qorsheynaya inay u midoobaan doorashada madaxtooyada ee toddobaadka soo socda ka dhici doonta magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in 8 musharrax oo magaalada ku sugan ay ka wadaan olole siyaasadeed oo xooggan, iyagoo ku loolamaya kursiga madaxtinimada maamulka Woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Siyaasi Axmed Karaash, ayaa lagu tilmaamay mid lagu dhisayo is-afgarad iyo istiraatiijiyad mideysan, si musharrixiinta isbeddel-doonka ay codkooda ugu mideeyaan hal musharrax oo leh fursad adag.

Dhinaca kale, Loolan siyaasadeed oo kulul ayaa ka socda magaalada Laascaanood, iyadoo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaha maamulka Firdhiye, ay si buuxda ugu hawlan yihiin sidii ay u xoojin lahaayeen taageerayaashooda.

Waxaa  maanta magaalada Laascaanood si rasmi ah uga bilaaban doonto diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Woqooyi Bari, halka doorashadu qorshaysan tahay inay dhacdo 30-ka bishan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles