Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Pakistaan?

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya,  Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Maxamed Isxaaq Daar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Wasiir Cabdisalam ayaa ku amaanay taageerada Pakistan ee ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna soo jeediyay in la ballaariyo taageerada dhinacyada amniga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Waxay isla meel dhigeen in la is dhaafsado khibradaha la xiriira amniga, ciidamada, iyo caafimaadka, sidoo kalena la fududeeyo isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo nidaamka fiisaha.

Wasiir Maxamed Isxaaq Daar ayaa dhankiisa cadeeyay sida Pakistan uga go’an tahay taageerida xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles