Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Pakistaan?

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya,  Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Maxamed Isxaaq Daar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Wasiir Cabdisalam ayaa ku amaanay taageerada Pakistan ee ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna soo jeediyay in la ballaariyo taageerada dhinacyada amniga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Waxay isla meel dhigeen in la is dhaafsado khibradaha la xiriira amniga, ciidamada, iyo caafimaadka, sidoo kalena la fududeeyo isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo nidaamka fiisaha.

Wasiir Maxamed Isxaaq Daar ayaa dhankiisa cadeeyay sida Pakistan uga go’an tahay taageerida xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles