Wednesday, August 19, 2026

Dhul gariir ka dhacay Afgaanistaan

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.0 ayaa ku dhuftay bariga dalka Afgaanistaan.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen in ka badan 100 kalena lagu daweynayo isbitaallada kuwaas oo dhaawacyo soo gaaray.

Tobaneeyo guri ayaa “burbur ku hoos jira”, sida laga soo xigtay ilo badan oo ka tirsan xukuumadda Taliban, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu ay sii korodho.

Saraakiisha xukuumadda Taliban ayaa ku booriyay hay’adaha samafalka inay ka qaybqaataan gurmadka lagu badbaadinayo dadka meelaha fog fog ee buuraleyda ah.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhismayaal laga soo bilaabo caasimadda Kabul ilaa caasimadda Pakistan ee Islamabad – oo in ka badan 300km (186 mayl) u jirta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles