Tuesday, April 28, 2026

Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka iyo eed ay u jeediyeen MW Xasan Sheekh

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay uga hadlayaan xaaladda siyaasadeed uu xiligan marayo dalka, iyagoo eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana taageeray warmurtiyeedkii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka weecatay ajandeyaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed. Jubbaland waxay ku baaqday wadatashi qaran, iyadoo sheegtay in hoggaanka hadda jira uu ku guuldarreystay mideynta shacabka, kana mashquulay dano siyaasadeed oo gaaban.

“Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ay ku guuldarreysatay hoggaan mideeya shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si joogto ah ugu mashquulsan tahay dano siyaasadeed oo gaaban oo sii fogeeyay kalsoonidii shacabka.Sidaas darteed, jubaland waxay aaminsan tahay in badbaadada dalka ay ku jirto talo wadaag qaran iyo hoggaan dhab ah oo mas’uuliyad ka qaata mustaqbalka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.

Dhanka kale, Puntland ayaa warsaxaafadeedkeeda ku cambaareysay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu ku mashquulsan yahay kala qaybin siyaasadeed iyo faragelin ku saabsan hay’adaha dastuuriga ah iyo ururrada siyaasadeed. Puntland waxay ku celisay walaaca ay ka qabto hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka, waxayna ku baaqday in doorashooyinka dalka lagu qabto heshiis loo dhan yahay.

Puntland waxay sidoo kale xustay in muddada xil-heynta Madaxweynaha Soomaaliya ay ku eg tahay 15-ka May 2026, sidaas darteedna looga baahan yahay inuu talada dalka miiska dhigo, isla markaana uu dhegeysto talooyinka saamileyda siyaasadeed si loo gaaro heshiis qaran.

” Puntland waxay cambaareynaysaa siyaasadda guracan ee Madaxweynaha JFS uu ku faragalinayo, kuna kala qaybinayo hay’adaha dastuuriga ah, iyo Ururada u midoobay toosinta siyaasadda Dowladda Federaalka. Dhaqanka faragalinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah iyo Ururada siyaasadeed ayaa ku saleysan xiniftan iyo rabitaan masaaliix shaqsi ah oo ay Soomaaliya horey u soo martay, una horseeday burbur siyaasadeed iyo mid amni.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Labada maamul ayaa si cad u muujiyay inay taageerayaan mowqifka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayna diyaar u yihiin dadaal kasta oo dalka looga samatabixinayo xaaladda siyaasadeed ee cakiran.

WARARKII KALE

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

Xasan Sheekh oo la kulmay Isimada dhaqanka iyo dood culus oo dhexmartay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan muhiim...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles