Wednesday, August 19, 2026

Wararka ugu dambeeya khasaaraha dhulgariirka Afgaanistaan

Buuraleyda fog ee gobolka Kunar, Syed Raheem wuxuu taagan yahay burburka guriga deriskiisa.

Si fudud ayuu uga fikiri lahaa inuu yahay kan burburay gurigiisa iyo in kale , laakiin wakhti yar ayuu u haystaa inuu ka fikiro. Howl badan ayaa taal oo ay adagtahay in la qabto.

Shaqadiisu waxay ka dhigan tahay inuu mas’uul ka yahay inuu u diro kooxo shaqaale degdeg ah, oo ay ku jiraan kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir, si ay u usoo helaan dadka badbaaday ee ku xayiran burburka hoostiisa ee tuulooyinka ay adagtahay in la gaaro.

Waqtiguna aad ayuu u ordayaa.

Kioxihiisa badbaadada ayaa soo saaraya meydadka dadkii ku dhintay dhulgariirka iyo kuwa dhaawacmay. Kuwa dhaawacmay waa la kala soocay, iyadoo qaarkood lagu qaaday ambalaas ama helikobtar waxana la geeyey Jalalabad, magaalada ugu dhow, si loogu daweeyo.

“Waxay badbaadiyeen dad badan,” ayuu iigu sheegay taleefoonka isagoo joogo tuulada Naoabad. “Dadka ku nool tuulooyinka, aad bay u baqayaan.”

Wuxuu aaminsan yahay in tirada rasmiga ah ee dhimashadu ay tahay qiyaas yar . Kooxihiisa ayaa dib u soo sheegaya inay u badan tahay inay ad uga badan tahay tirad la qiyaasay.

Laakiin si degdeg ah ayey u shaqeeynayaan si ay wax ugu qabtaan inta qwooddooda ah kuwa weli xayiran, inta uu jiro iftiinka maalmeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles