Wararka ugu dambeeya khasaaraha dhulgariirka Afgaanistaan

Buuraleyda fog ee gobolka Kunar, Syed Raheem wuxuu taagan yahay burburka guriga deriskiisa.

Si fudud ayuu uga fikiri lahaa inuu yahay kan burburay gurigiisa iyo in kale , laakiin wakhti yar ayuu u haystaa inuu ka fikiro. Howl badan ayaa taal oo ay adagtahay in la qabto.

Shaqadiisu waxay ka dhigan tahay inuu mas’uul ka yahay inuu u diro kooxo shaqaale degdeg ah, oo ay ku jiraan kalkaaliyeyaal iyo dhakhaatiir, si ay u usoo helaan dadka badbaaday ee ku xayiran burburka hoostiisa ee tuulooyinka ay adagtahay in la gaaro.

Waqtiguna aad ayuu u ordayaa.

Kioxihiisa badbaadada ayaa soo saaraya meydadka dadkii ku dhintay dhulgariirka iyo kuwa dhaawacmay. Kuwa dhaawacmay waa la kala soocay, iyadoo qaarkood lagu qaaday ambalaas ama helikobtar waxana la geeyey Jalalabad, magaalada ugu dhow, si loogu daweeyo.

“Waxay badbaadiyeen dad badan,” ayuu iigu sheegay taleefoonka isagoo joogo tuulada Naoabad. “Dadka ku nool tuulooyinka, aad bay u baqayaan.”

Wuxuu aaminsan yahay in tirada rasmiga ah ee dhimashadu ay tahay qiyaas yar . Kooxihiisa ayaa dib u soo sheegaya inay u badan tahay inay ad uga badan tahay tirad la qiyaasay.

Laakiin si degdeg ah ayey u shaqeeynayaan si ay wax ugu qabtaan inta qwooddooda ah kuwa weli xayiran, inta uu jiro iftiinka maalmeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles