Thursday, November 13, 2025

Soomaaliya oo cambaaraysay falkii lagu dilay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismail Haniyeh

Soomaaliya ayaa ka hadashay dilkii shirqoolka ahaa ee lagu dilay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Isma’il Haniyeh, kaasi oo lagu dilay magaalada Caasimadda ah ee dalka Iraan ee Tehran.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe. Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeya”

Dowladda Soomaaliya ayaa adkeysay baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga.

“Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles