Thursday, March 5, 2026

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga Baallade, oo ku yaalla Koonfur Bari magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku burburiyeen difaacyo adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka  lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan argagixisada, iyadoo ciidamadu weli ku daba jiraan firxad ka baxsaday goobihii hawlgalku ka dhacay. “Firxadkii argagixisada ayaa hadba god laga saaraya, waa wax la laayey iyo wax lagu daba joogo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexaysa dharinta Carabi iyo Kal-Idaad ee ku yaalla togga Baallade, waxaana uu socday in ka badan 12 saacadood.

Dhanka kale, ciidamo kale oo ka tirsan Puntland ayaa hawlgal ka sameeyay ceelasha Aleelooyin ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dileen xubno kale oo Daacish ah oo ka soo firxaday Baallade, iyaga oo gacanta ku dhigay ceelashii Aleelo yar iyo Aleelo weyn oo laga nadiifiyay argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo labo mas’uul oo Safiirnimo u dalacsiiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xildhibaanadii Puntland ee laga hor istaagay inay tagaan Garoowe oo loo fasaxay

Xildhibaanada ka soo jeeda deegaannada Puntland ee dhowaan dowladda...

MW Xasan Sheekh oo caawa la kulmaya Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaadanaya...

Madaxda Hir-shabeelle oo boogaadiyay go’aanka labada aqal ee ansixinta dastuurka dalka

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si...

Iiraan oo duqeysay Qudus

Ciidamada milatariga ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Iiraan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles