Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga Baallade, oo ku yaalla Koonfur Bari magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku burburiyeen difaacyo adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.
Bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan argagixisada, iyadoo ciidamadu weli ku daba jiraan firxad ka baxsaday goobihii hawlgalku ka dhacay. “Firxadkii argagixisada ayaa hadba god laga saaraya, waa wax la laayey iyo wax lagu daba joogo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexaysa dharinta Carabi iyo Kal-Idaad ee ku yaalla togga Baallade, waxaana uu socday in ka badan 12 saacadood.
Dhanka kale, ciidamo kale oo ka tirsan Puntland ayaa hawlgal ka sameeyay ceelasha Aleelooyin ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dileen xubno kale oo Daacish ah oo ka soo firxaday Baallade, iyaga oo gacanta ku dhigay ceelashii Aleelo yar iyo Aleelo weyn oo laga nadiifiyay argagixisada.