Tuesday, August 18, 2026

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii koox hubeysan oo aan heebtooda la garanaynin ay toogteen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii dilka geysatay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta, iyadoo aan la ogeyn halka ay u baxsadeen.

Illaa iyo hadda, laamaha ammaanka degmada Balad Xaawo kama aysan hadlin dilka nabadoonka, mana jiro cid loo soo qabtay falkaasi.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Marxuunka, waxaa uuna yiri “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid allaha u naxariisto Nabadoon Aadan mohamuud Burdhuube oo Gacan ka xaqdaran ku dishay Degmada Beled-xaawo oo ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsana Golaha Guurtida Degmada Waxaa si gaar ah ugu tacsiyaynayaa Qoyska, qaraabada, salaadiinta dhaqanka iyo dhammaan bulshada ree balad-xaawo waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo Nabadoonka Qabrigisane allaha u waasiciyo!.”

Dilka Nabadoon Aadan Buurdhuubo ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Gedo ay maalmihii dambe ka jireen falal amni-darro ah oo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles