Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhigay bannaanbax ballaaran, iyagoo ku dalbanaya in magaalada laga saaro ciidamada Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidamadan oo dhowaan laga saaray degmada Beledxaawo iyo deegaanada ku xeeran ayaa dowladda Kenya dejisay gudaha xerooyin ku yaalla Mandheera. Balse shacabka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku hayaan xadgudubyo kala duwan isla markaana ay caqabad ku noqdeen nolol maalmeedkooda.

Duqa magaalada Mandheera, Maxamed Khaliif, ayaa dhawaan si cad ugu baaqay Madaxweynaha Kenya in uu tallaabo degdeg ah ka qaado oo uu magaalada ka saaro ciidamada Jubbaland. Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya ayaa arrintan ka hadlay, taas oo sii kordhisay cadaadiska lagu hayo dowladda Kenya oo ilaa hadda ka gaabsanaysa in ay si rasmi ah uga hadasho xaaladda ka taagan Mandheera.

Xiisadda sii kordheysa ayaa ka dhashay walaaca bulshada oo ku saabsan amni-darrada iyo faragelinta ciidamo shisheeye ku joogaan gudaha Kenya.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles