Tuesday, August 18, 2026

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhigay bannaanbax ballaaran, iyagoo ku dalbanaya in magaalada laga saaro ciidamada Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidamadan oo dhowaan laga saaray degmada Beledxaawo iyo deegaanada ku xeeran ayaa dowladda Kenya dejisay gudaha xerooyin ku yaalla Mandheera. Balse shacabka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku hayaan xadgudubyo kala duwan isla markaana ay caqabad ku noqdeen nolol maalmeedkooda.

Duqa magaalada Mandheera, Maxamed Khaliif, ayaa dhawaan si cad ugu baaqay Madaxweynaha Kenya in uu tallaabo degdeg ah ka qaado oo uu magaalada ka saaro ciidamada Jubbaland. Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya ayaa arrintan ka hadlay, taas oo sii kordhisay cadaadiska lagu hayo dowladda Kenya oo ilaa hadda ka gaabsanaysa in ay si rasmi ah uga hadasho xaaladda ka taagan Mandheera.

Xiisadda sii kordheysa ayaa ka dhashay walaaca bulshada oo ku saabsan amni-darrada iyo faragelinta ciidamo shisheeye ku joogaan gudaha Kenya.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles