Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii koox hubeysan oo aan heebtooda la garanaynin ay toogteen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii dilka geysatay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta, iyadoo aan la ogeyn halka ay u baxsadeen.

Illaa iyo hadda, laamaha ammaanka degmada Balad Xaawo kama aysan hadlin dilka nabadoonka, mana jiro cid loo soo qabtay falkaasi.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Marxuunka, waxaa uuna yiri “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid allaha u naxariisto Nabadoon Aadan mohamuud Burdhuube oo Gacan ka xaqdaran ku dishay Degmada Beled-xaawo oo ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsana Golaha Guurtida Degmada Waxaa si gaar ah ugu tacsiyaynayaa Qoyska, qaraabada, salaadiinta dhaqanka iyo dhammaan bulshada ree balad-xaawo waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo Nabadoonka Qabrigisane allaha u waasiciyo!.”

Dilka Nabadoon Aadan Buurdhuubo ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Gedo ay maalmihii dambe ka jireen falal amni-darro ah oo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles