Tuesday, August 18, 2026

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Antoine Gérard, ayaa sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada dhimashada maadama ay aan la gaari karin dhulka ay dhibaatadu ka dhacday.

SLM oo ah koox hubeysan oo gacanta ku haysa dhulka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa mar sii horeysay sheegay in ugu yaraan kun qof ay ku dhinteen dhulka soo dumay.

Roobab da’ayay maalmo ayaa sababay Axadii in dhul taag ah uu soo dumo kaas oo inta badan tuulada Tarseen dhulka la simay sid ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay kooxda SLM.

Kooxda SLM ayaa ka dalbaday kaalmo bani’aadannimo Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga.

Dad badan oo ku nool waqooyiga Darfur ayaa u soo barakacay buuraha gobolka Marra kaddib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya militeriga Sudan iyo kooxda RSF.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles