Monday, April 27, 2026

Mareykanka oo weeraray markab daroogo siday

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu weerar ku qaaday markab siday maandooriye, kaas oo marayay koonfurta Caribbean-ka, isla markaana ay halkaas ku dileen “11 qof oo daro ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.”

Waxa uu soo dhigay baraha bulshada in howlgalkii militariga Mareykanka uu Talaadadii beegsaday xubno ka tirsan burcadda Tren de Aragua ee Venezuela.

Trump ayaa sheegay in markabkan uu marayay biyaha caalamiga ah isagoo sida dawooyin isla markaana ku sii jeeday dalka Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa kordhiyay cadaadiska militariga iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro toddobaadyadii la soo dhaafay, oo ay ku jirto in la siinayo $50m (£37m) oo abaal marin ah ciddii keenta xog horudhac ah oo la xirriira eedeymaha ka ganacsiga daroogada.

Maduro ayaa wacad ku maray in Venezuela ay iska caabin doonto isku day kasta oo uu Mareykanku ku doonayo in uu faragelin militari ku sameeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles