Mareykanka oo weeraray markab daroogo siday

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu weerar ku qaaday markab siday maandooriye, kaas oo marayay koonfurta Caribbean-ka, isla markaana ay halkaas ku dileen “11 qof oo daro ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.”

Waxa uu soo dhigay baraha bulshada in howlgalkii militariga Mareykanka uu Talaadadii beegsaday xubno ka tirsan burcadda Tren de Aragua ee Venezuela.

Trump ayaa sheegay in markabkan uu marayay biyaha caalamiga ah isagoo sida dawooyin isla markaana ku sii jeeday dalka Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa kordhiyay cadaadiska militariga iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro toddobaadyadii la soo dhaafay, oo ay ku jirto in la siinayo $50m (£37m) oo abaal marin ah ciddii keenta xog horudhac ah oo la xirriira eedeymaha ka ganacsiga daroogada.

Maduro ayaa wacad ku maray in Venezuela ay iska caabin doonto isku day kasta oo uu Mareykanku ku doonayo in uu faragelin militari ku sameeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles