Wednesday, March 4, 2026

Israa’iil oo burburisay dabaqii labaad ee ugu dheeraa Qasa

Milateriga Israa’iil ayaa burburiyey dhismo dabaq dheer ah oo ku yaalla Magaalada Qasa, waana dhismihii labaad oo weyn oo ay bartilmaameedsadaan muddo laba maalmood gudahood ah.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, soo dhigay muuqaal muujinaya burburka dhismaha, isagoo ku qoray: “Waan sii wadeynaa.”

Ciidamada Difaaca Israel (IDF), oo ballaarinaya howlgaladooda gudaha Qasa, ayaa sheegay in Dhismaha Sussi Tower ay isticmaaleysay Xamaas – balse kooxda hubeysan ayaa beenisay arrintaas.

Weli lama caddayn tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, ka hor duqeyntii Sabtidii, Israa’iil ayaa mar kale warqado ku daadisay si ay ugu baaqdo Falastiiniyiinta in ay u guuraan aagga ay ugu yeerto “aagga bani’aadantinimo” ee ku yaalla koonfurta.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, afhayeenka IDF ee luuqada Carabiga Avichay Adraee, ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay “ku biiraan kumannaanka qof ee horay u aaday” al-Mawasi – oo ah aag u dhexeysa Khan Younis iyo xeebta.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles