Tuesday, September 9, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka Jeediyay Shirka 2aad EeCimilada Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada kuwaas oo ay ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC oo kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

“Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda. Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taas oo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah ee lagaga hortagayo isbeddelka cimilada iyo in shirkan ay ka soo baxaan tallaabooyin dhaxalgal ah oo heer qaaradeed ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo duqeyn ku dishay maskaxdii ka dambeysay weerarkii ka dhacay Ceel-gaabta

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo...

DFS oo si kulul u cambaareysey weerarka Israel ka geystay Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa...

Qatar oo cambaareysay weerarka ay Israa’iil ku dishay xubno Xamaas ah

Ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay inay duqeynta oo ay fulisay...

Qaraxyo ka dhacay Doha, iyo Israa’iil oo beegsaday madaxda Xamaas

Qaraxyo dhowr ah ayaa goor dhow ka dhacay caasimadda...

Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Firxadka Daacish oo gali rabay Boosaaso

Ciidanka Booliiska maamulka Puntland ayaa saakay Aroortii ka qabtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles