Thursday, June 25, 2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐‘๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐‹๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐”๐๐ˆ๐‚๐„๐…

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday Hayโ€™ada UNICEF, oo ay hoggaaminaysay madaxa hayโ€™adaha ee Soomaaliya, Ms Sandra Lattouf.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo hayโ€™ada UNICEF, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqda carruurta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageeridda barnaamijyada muhiimka ah ee wax ka taraya bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, Wakiilka UNICEF ayaa muujisay sida hayโ€™addu uga goโ€™an tahay taageeridda himilada iyo qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha mudnaanta u leh qorshaha horumarinta ee Wasaaradda, si loo gaaro natiijooyin waxtar leh oo la taaban karo.

Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay hayโ€™ada UNICEF Shaqada wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin bulshada inteeda nugul, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro dhal ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda

Carruurta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyreโ€Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaajโ€

Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles