Ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay inay duqeynta oo ay fulisay diyaarad dagaal ku beegsadaan Madaxda Xammaas oo ay ka mid yihiine: Khaliil Al-xaya oo ah Madaxa siyaasada ururka iyo Zaahir Jabaariin oo ka mida madaxdooda sare.
Waxaa la xaqiijiyay in la waayey xiriirka madaxdii Xammaas oo xilligaa la weerarray ku jiray shir ku saabsan waanwaanka dagaalka Gaza..
Waxaa kaloo la sheegay inuu Madaxda goobta ku shirsanaa ka mid ahaa Khaalid Mishcal oo ka mida mas’uuliyiinta sare ee Xammaas, waxaana la sugayaa xaqiijinta xaaladooda.
Dhanka kale Qatar oo si xooggan u cambaareysey weerarkan, ayaa cadeysay inaysan dulqaadan doonin dhaqanka Israa’iil ee khatarta ah iyo faragelinta joogtada ah ee ammaanka gobolka, iyo wax kasta oo lagu beegsanayo amniga iyo madax-bannaanida dalka, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha dibada Qatar