Meydad hor leh oo saaka laga helay Banaanka Ceeldheer iyo Howlgalo socda

Saaka waxa socda uruurinta meydadkii maleeshiyaadkii Al-shabaab ee shalay weerarka gaadmada ah ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo in magaalada laga sifeeyo khatar kasta oo ka hartay weerarkii shalay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa saaka sameynaya baaritaanno iyo dhaqaaq ciidan oo lagu raadraacayo xubnihii Al-Shabaab ee ka badbaaday dagaalka, kuwaas oo la sheegay in dhabbaha miyiga u carareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu socdo baacsiga lagu hayo kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana aysan dhamaan doonin ilaa laga ciribtiro dhamaan khataraha ku harsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay dagaalkii shalay ayaa saaka loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dabiibayo Isbitaalka Xoogga Dalka ee caasimadda, halkaas oo xaaladooda caafimaad si dhow loola socdo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles