Sunday, August 16, 2026

Meydad hor leh oo saaka laga helay Banaanka Ceeldheer iyo Howlgalo socda

Saaka waxa socda uruurinta meydadkii maleeshiyaadkii Al-shabaab ee shalay weerarka gaadmada ah ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo in magaalada laga sifeeyo khatar kasta oo ka hartay weerarkii shalay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa saaka sameynaya baaritaanno iyo dhaqaaq ciidan oo lagu raadraacayo xubnihii Al-Shabaab ee ka badbaaday dagaalka, kuwaas oo la sheegay in dhabbaha miyiga u carareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weli uu socdo baacsiga lagu hayo kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana aysan dhamaan doonin ilaa laga ciribtiro dhamaan khataraha ku harsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay dagaalkii shalay ayaa saaka loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dabiibayo Isbitaalka Xoogga Dalka ee caasimadda, halkaas oo xaaladooda caafimaad si dhow loola socdo.

WARARKII KALE

Duqeyn lala beegsaday Guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Iiraan oo cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismail Baqaei, ayaa si...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles