Wednesday, June 24, 2026

Wasiir Dirir ” Madaxweyne Deni ayaa samatabixin doona dawladnimada Soomaaliyeed”

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Puntland, Caydiid Dirir, uu sheegay in dalka u baahan yahay hoggaan dhab ah oo la hubo waxqabadkiisa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aanay jirin cid kale oo samatabixin karta dawladnimada Soomaaliyeed, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

“Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore, Cabdullaahi Yuusuf. Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed. Xilligan ma jiro hoggaamiye kale oo waxqabadkiisa la hubo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa hadalkiisa ku daray weedha:

“Dabki baxayaa dab lagu qabsadaa. Dowladda Puntland, gacana difaaca, gacana horumarka, waxay diyaar u tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles