Monday, August 17, 2026

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Ceeldheer

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 12-kii September 2025 fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntu waxay ka dhacday deegaanka ku dhow magaalada Ceel Dheer, oo qiyaastii 288 km u jirta caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi-bari.

Taliska AFRICOM ma sheegin tirada xubnaha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.

AFRICOM ayaa sheegay in, iyagoo garab socda Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ay sii wadaan howlgalada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, si ay u joojiyaan khataraha ka dhan ah Mareykanka, ciidamada iyo muwaadiniinta ku sugan dibadda.

Taliska Mareykanka wuxuu intaas ku daray in faahfaahinta ku saabsan cutubyada iyo hantida la adeegsaday aan la shaacin, si loo ilaaliyo sirta iyo amniga howlgalada socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles