Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Xukuumadda Siciid Deni ayaa Khamiista berri ah ku wajahan magaalada Garoowe.Puntland tourism

Xasan Abgaal oo lagu xasuusto in uu ahaa wasiirkii Maaliyadeed oo mudadii xil-hayntiisa aysan hal bil xuquuq la’aani ku dhicin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, islamarkaana aysan jirin ciidamo gadoodsan oo waddooyin xirtay ayuu Siciid Deni xilka qaadis ku sameeyay 23th Sep. 2022.

Wuxuu sidoo kale kamid noqday siyaasiyiinta u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland doorashadii Jan. 2024, balse dib loogu doortay Madaxweyne Deni ,kaddib markii uu inta badan gacantiisa ku soo qortay kuraastii xildhibaannada oo ay saxiixi jireen odayaasha dhaqanka.

Imaatinka Xasan Abgaal ee Garoowe ayaa ku soo beegmaya xilli ay xuquuq la’aan baahsan ka cabanayaan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo dhawr jeer gadood sameeyay, kuwaasi oo wakhtigii xil-hayntiisa si joogto ah u heli jiray xuquuqdooda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles