Tuesday, August 18, 2026

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa caawa si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay bulshada ku mashquuliyaan dood madhaleys ah, kibir iyo islaweynaan, halkii ay ka talin lahaayeen danta guud ee dalka.

RW Xamza ayaa ku nuuxnuuxsaday in mucaaradku ka dhigtay siyaasadda mashruuc ay dowlado shisheeye ku biil qaataan, taasoo uu sheegay inay carqalad ku tahay horumarka iyo midnimada ummadda.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa bilihii u dambeeyay xoogeystay, iyadoo labada dhinac si adag uga aragti duwan yihiin arrimaha doorashooyinka dalka iyo dib u eegista dastuurka.

Mucaaradka ayaa ku eedeeya dowladda in ay isku dayayso muddo kororsi iyo ku takrifal awood, halka dowladda ay ku adkeysato in geeddi-socodka dastuurka iyo doorashadu yihiin mid qaran oo aan dib loo dhigi karin.

Xaaladda siyaasadeed ee taagan ayaa sare u qaaday hadallada kulul ee labada dhinac, iyadoo shacabka iyo beesha caalamka ay si dhow ula socdaan marxaladda isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Natiijada doorashada Zambia oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa sheegay in Madaxweyne Hakainde Hichilema...

Laftagareen oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo ka dhacay

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles