Tuesday, August 18, 2026

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu haatan marayo heerkii ugu sarreeyay, isagoo xusay in labada dal ay qorsheynayaan mashaariic ballaaran oo wadajir loo hirgeliyo.

Fiqi ayaa dib u xusuustay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku yimid Muqdisho sanadkii 2011, xilli ay magaalada ku hareereysnaayeen Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in dhowr maalmood kaddib magaalada la xoreeyay, taasoo sababtay in caasimaddu ay 14 sano ku raaxaysato xorriyad iyo xasillooni.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga uu saldhig u yahay guulaha amni iyo horumar ee dalka, isagoo si gaar ah u xusay heshiiskii difaaca ee labada dal saxiixdeen, kaas oo horseeday in ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya lagu tababaro saldhigga TÜRKSOM, isla markaana la siiyo qalab casri ah sida diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.

Fiqi ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga dhaqaalaha, isagoo sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka taageeray wax ka badan hal bilyan oo dollar tan iyo 2011, taas oo ku baxday adeegyada caafimaadka, waxbarashada, mashaariicda dowladaha hoose iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waxaan si dhab ah u arkaa in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii kobcayo maalin walba. Turkigu wuxuu leeyahay safaaraddiisa ugu weyn caalamka oo ku taalla Muqdisho, waxaana aaminsanahay in iskaashigaasi sii jiri doono mustaqbalka fog,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles