Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu haatan marayo heerkii ugu sarreeyay, isagoo xusay in labada dal ay qorsheynayaan mashaariic ballaaran oo wadajir loo hirgeliyo.
Fiqi ayaa dib u xusuustay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku yimid Muqdisho sanadkii 2011, xilli ay magaalada ku hareereysnaayeen Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in dhowr maalmood kaddib magaalada la xoreeyay, taasoo sababtay in caasimaddu ay 14 sano ku raaxaysato xorriyad iyo xasillooni.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga uu saldhig u yahay guulaha amni iyo horumar ee dalka, isagoo si gaar ah u xusay heshiiskii difaaca ee labada dal saxiixdeen, kaas oo horseeday in ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya lagu tababaro saldhigga TÜRKSOM, isla markaana la siiyo qalab casri ah sida diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.
Fiqi ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga dhaqaalaha, isagoo sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka taageeray wax ka badan hal bilyan oo dollar tan iyo 2011, taas oo ku baxday adeegyada caafimaadka, waxbarashada, mashaariicda dowladaha hoose iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
“Waxaan si dhab ah u arkaa in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii kobcayo maalin walba. Turkigu wuxuu leeyahay safaaraddiisa ugu weyn caalamka oo ku taalla Muqdisho, waxaana aaminsanahay in iskaashigaasi sii jiri doono mustaqbalka fog,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.