Thursday, August 20, 2026

Trump oo si xun u weeraray Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale u muuqda in ay goradda is geli doonaan, kaddib hadallo kulul oo uu Trump warbaahinta u mariyay saacadihii la soo dhaafay.

Qoraal oo uu soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa Mr. Trump waxa uu Ilhaan Cumar ku tilmaamay “gabadh ka soo jeedda dal sabool ah oo colaado ragaadiyeen islamarkaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo”.

“Dalka Ilhaan Cumar ka soo jeeddo ee Soomaaliya, wuxuu la daalaa dhacayaa dawlad-dhexe oo daciif ah, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso mar kale soo kacaysa, budhcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuqmaasuq, iyo rabshado baahsan. Boqolkiiba 70 shacabku waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran waxayna wajahayaan amni-darro iyo cunto yaraan baahsan.”

Waxa uu ku eedeeyay in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed si ay u hesho muwaadinnamada Maraykanka. Waxa kale tilmaamay in ay dalka Maraykanka ay u yeedhinayso waxa ay tahay in la sameeyo iyo sida loo samaysanayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiiro Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur...

Ciidan iyo Saraakiil Somaliland ka tirsanaa oo ku biiray Maamulka Waqooyi Bari

Ciidan iyo saraakiil hore uga tirsanaa Somaliland ayaa la...

Guddoomiye Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada BF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

Koofur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles