DFS oo sheegtay in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadalka sahminta Shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS Daahir Shire ayaa qiray in ay jiraan siyaasad cad oo Dowladda Soomaaliya ay ka leedahay barnaamijka shidaal qodista dalka iyo sida loo qeybsan karo dheef-wadaagga,iyadoo la raacayo shuruuc wada ogol ah oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xusay in lagu guuleystay sahminta dhul xagga badda ah oo masaafo ahaan gaaraya illaa 4460,isla markaana la soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee howlgalka kooxaha sahminta shidaalka Soomaaliya.

Daahir Shire oo sii wata hadaladiisa ayaa caddeeyay in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadalka sahminta iyo xilliga la gudagalayo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay faa’iido ugu jirto shidaal qodista,isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo khuseeya wax soo saarka shidaalka iyo macdan qodista,sidaa daraadeed waxa uu ku baaqay in dadka warxuma tashiilka ah ay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee wax dumin kara.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles