Wednesday, June 17, 2026

DFS oo sheegtay in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadalka sahminta Shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS Daahir Shire ayaa qiray in ay jiraan siyaasad cad oo Dowladda Soomaaliya ay ka leedahay barnaamijka shidaal qodista dalka iyo sida loo qeybsan karo dheef-wadaagga,iyadoo la raacayo shuruuc wada ogol ah oo ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xusay in lagu guuleystay sahminta dhul xagga badda ah oo masaafo ahaan gaaraya illaa 4460,isla markaana la soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee howlgalka kooxaha sahminta shidaalka Soomaaliya.

Daahir Shire oo sii wata hadaladiisa ayaa caddeeyay in bilaha soo socda lagu dhawaaqi doono natiijada dadalka sahminta iyo xilliga la gudagalayo soo saaridda shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay faa’iido ugu jirto shidaal qodista,isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo khuseeya wax soo saarka shidaalka iyo macdan qodista,sidaa daraadeed waxa uu ku baaqay in dadka warxuma tashiilka ah ay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee wax dumin kara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles